Bismilaah,Run ahaantii waa wax uu is weydiiyo qof walba oo muslim ah ama somali ama wax yar oo ah aqli ama garasho ay ku jirto.War maxaan aduunyada ooga danbeenaa? war maxaan isku dagaalaynaa anagoo muslimiin ah wada ah? war maxaa noo dhaxeeya? war miyeynaan waalaalo ahayn hadii aan nahay somali?
Waa nasiib darro weyn iyo ciqaab alle oon anaga gacmaheena ku keensanay saan noo burburiso,wayna ka si darii hadii alle soo subaxaanah loo noqon khaladkana la sixin,ee kor ha loo tooso xaqa ha la fahmo ,aduunka ha la fiiriyo ilaahay iyo rasuulka hadalkooda ha la xasuusto,taas unbaa lagu liiibaani.war walaalayaal hadii ay khaldameen madax isku sheegtii somaliyeed ee hore umada aan wax garanaynin ama caamada khalad ka dhaadhiciyeey ee sabab u noqday somali in uu qabiil walba yiraahdo qabiil hebel iska ilaali cadowna ka dhigo.
maxaa diiday hadii qaar khaldameen umadiina marin habaabiyeen in la helo qaar daacad oo umada dib u saxda kana tirta wasakhtii horay loogu haleeyey ,una horseeda jid wanaagsan iyo hor u mar,war meesha ay qodaxii ka mudo mar mar marka labaad waa laga leexdaa ee anaga ma indhaha ayaan la'nahay maxaan uga leexan la'nahay jidka xun ee ku salaysan qabaail iyo dhinac isu aruurinta ah eed iska aruurin walaalahaa kula mid ka ah, Aduunku waxaa uu ku tartama sidii uu heli lahaa umad fara badan oo wax ku ool ah oo is caawisa wax walba iska caawisa,waxna is tarta adiga oo muslim ah soomaaliyeey oo walaalo ah dhamaan maxaa kuu diiday in aad isku imaado waxna u wada qabsataan, dadkana qof walba la siiyo xaqiisa si cadaalad ah oo ilaah raali ka yahayna loo xukumo. Miyeyna nasiib darro iyo wax la qiiroodo ahayn in adigoo muslima ah .sheeganaya in aan rumaysay Ilaahay iyo rasuulkiisa NNKH in lagu yiraahdo daciif lagaana soo qaado wax liita oon xaataa garanaynin sida dadka loogu cadaalad sameeyo ama loo xukumo adigoo wax walba oo aduunyadaan jira ama dhacaaya ama dhacay ama dhici doono kitaabka kariimka ah iyo sunnada Nabiga NNKH kuugu cadahay ,aysana jirin cid kaloo haysata xogtaas ama nimcadaas muslim mooyee;
walaayaal muslimow soomaalaay kor u kaca Ilaahay aan u noqo daciifnimada iyo DULLI nimada aan ku jirrana aan iska saarno, si kalana iskagama saari karno in Ilaahay aan u noqo mooyee.
waxaan ahay nin ku hami weyn in uu Wadankiisa ,DIINTIISA,Dadkiisa wax u qabto kana saaro dhibtan dabada dheeratay ee haysata maanta.Ilaayow anigu dadaal baan leeyay laakiin adaa wax walba awooda ,taladaydana kuu dhiibtay
Popular Posts
-
Nolasha inta aad nooshay wax walba waad soo mari ,tusaalae ahaan, nolasha waxaad kula kulmi, Farxad, farxad darro ama dhibaato,waxaad la kul...
-
Walaashay Nimco waa gabarta keliya een ka qabno. walaashay nimco waa gabarta noogu yar,waan wada jecelnahay walaashay,aniga ,walaalahay...
-
Runtii waxaan hadal ka tagnayan in qofka bini aadamka ah ay tahay meesha laga maamulo ama hagta galbiga.Xubintaas oo ah xubin aad u qiima ba...
-
Aduunyo waa maxay? , inteese jireysaa aduunyadaan? mase lagu dhargaa oo dhib looga baxaa aduunyadaan korkeeda ? Aduunyo waa koonkan aan k...
-
Bismilaah,Run ahaantii waa wax uu is weydiiyo qof walba oo muslim ah ama somali ama wax yar oo ah aqli ama garasho ay ku jirto.War maxaan a...
-
Ilaah ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay,Allaha isiiyay hadiyadaan imaanka (muslimnimada) wax u dhiganta ayna jirin aduunyadaan. qofka m...
-
wadno jacayl ku beermay run ahaantii waa wadno sharaxan, kuna dhax jira quruxda aduunka iyo carafteeda. sida hada wadnahayga oo kale waxa...
-
Gabarta kaliya ee niyadayda degtay waa adi ,noloshaydana inta ka dhiman waxaan rabaa oon jeclahay in aan adi kula wadaago,Ilaahayna waxaa...
-
Waa walaalaha Ree Axmed /jowhar Waa Umadka in shaa allah anfaci doono reerkooda,ehelkood,diintooda ,dalkooda ,dadkooda iyo dhammaan Mus...
-
Waan soo socdaa macaan ,waxyar i sug, anaaba kaa soo daahayne,waan soo ordayaa hal kaaga joog noloshaydaay.Hadii aad i daahsato, I dul qaad...
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
allah wax hana fahnsiiyo
ReplyDeleteJeclhy
ReplyDelete