Popular Posts

Monday, January 31, 2011

Waa maxay Nasiib darada iyo dhibka na haysa hadii aan nahay muslimiin Khaas ahaan somali

Bismilaah,Run ahaantii waa wax uu is weydiiyo qof walba oo muslim ah ama somali  ama wax yar oo ah aqli ama garasho ay ku jirto.War maxaan aduunyada ooga danbeenaa? war maxaan isku dagaalaynaa anagoo muslimiin ah wada ah? war maxaa noo dhaxeeya? war miyeynaan waalaalo ahayn hadii aan nahay somali?



Waa nasiib darro weyn iyo ciqaab alle oon anaga gacmaheena ku keensanay saan noo burburiso,wayna ka si darii hadii alle soo  subaxaanah loo noqon khaladkana la sixin,ee kor ha loo tooso xaqa ha la fahmo ,aduunka ha la fiiriyo ilaahay iyo rasuulka hadalkooda ha la xasuusto,taas unbaa lagu liiibaani.war walaalayaal hadii ay khaldameen madax isku sheegtii somaliyeed ee hore umada  aan wax garanaynin ama  caamada khalad ka dhaadhiciyeey  ee sabab u noqday somali in uu qabiil walba yiraahdo qabiil hebel iska ilaali cadowna ka dhigo.

maxaa diiday hadii qaar khaldameen  umadiina marin habaabiyeen in la helo qaar daacad oo umada dib u saxda kana tirta wasakhtii horay loogu haleeyey ,una horseeda jid wanaagsan iyo hor u mar,war meesha ay qodaxii ka mudo mar mar marka labaad waa laga leexdaa ee anaga ma indhaha ayaan la'nahay maxaan uga leexan la'nahay jidka xun ee ku salaysan qabaail iyo dhinac isu aruurinta ah eed iska aruurin walaalahaa kula mid ka ah, Aduunku waxaa uu ku tartama sidii uu heli lahaa umad fara badan oo wax ku ool ah oo is caawisa wax walba iska caawisa,waxna is tarta adiga oo muslim ah soomaaliyeey oo walaalo ah dhamaan maxaa kuu diiday in aad isku imaado waxna u wada qabsataan, dadkana qof walba la siiyo xaqiisa si cadaalad ah oo ilaah raali ka yahayna loo xukumo. Miyeyna nasiib darro iyo wax la qiiroodo ahayn in adigoo muslima ah .sheeganaya  in aan rumaysay Ilaahay iyo rasuulkiisa NNKH in lagu yiraahdo  daciif lagaana soo qaado wax liita oon xaataa garanaynin sida dadka loogu cadaalad sameeyo ama loo xukumo adigoo wax walba oo aduunyadaan jira ama dhacaaya ama dhacay ama dhici doono kitaabka kariimka ah iyo sunnada Nabiga NNKH kuugu cadahay ,aysana jirin cid kaloo haysata xogtaas ama nimcadaas muslim mooyee;


walaayaal  muslimow soomaalaay kor u kaca Ilaahay  aan u noqo daciifnimada iyo DULLI nimada aan ku jirrana aan iska saarno, si kalana iskagama saari karno in Ilaahay aan u noqo mooyee.

2 comments: