Nolasha inta aad nooshay wax walba waad soo mari ,tusaalae ahaan, nolasha waxaad kula kulmi, Farxad, farxad darro ama dhibaato,waxaad la kulmi wanaag,waxaad la kulmi xumaan,waxaad la kulmi wax ku yaab galiya,waxaad la kulmi jacayl,Hadana isla markaas waxaa laga yaabaa in aad la kulanto murugada uu leeyahay jacaylku ama dhibka uu wato.Si walba ha ahaate hadana waan noolnahay waliba nolol iftiin leh aan ku noolnahay xaalada walbo oon ku suganhay hadii aan nahay muslim dhab ah. Oo ku farxi ooguna mahad Allah wanaaga uu na siiyay,dhibana ilahaah Tala saaran oo ku sabri.
Hadii aad qof jeclaato ama galcayl qoto dheer oo ku salaysan qalbigaaga hadii aad qof u qaado,waxaad kaliya oo iska warheli adiga oo hirweyn ku wadao ama dabada kaa riixayo ,isla markaana aada awoodin in aad waxyarna cagaha taagato ood isku daydo in aad iska caabiso.Hirkaan weyn eed ku dhexdhacday ama ku qaaday ma ogid meesha uu ku geyn . saa sey tahay waxaad dareemi farxad,waxaad dareemi sharaf,waxaad dareemi karti, waxaad dareemi iftiin ku soo socda, waxaad tiigsan farxad fara badan,waxaad ku taami in aad tahay ninka aduunka oogu nasiibka badan in aad tahay,waxaa ku muuqan waxayna kula dareemi karin dadka intiisa kale.
Hirkan ku wada ama jacaylkan adi ku wada waxa uu kuu dhiraandhirin qofta aad jeceshahay,waxaad jeclaan in halmar qofkaas agteeda aad tagto xataa adoo laga yaab in aada hubin waxii aad dhihi lahayd.
Ka dib waxaad jeclaan noloshaada ama wakhtigaaga oo dhan in aad siiso jacaylkaaga,adiga dhan waxaad noqon nin laga awood badan oon xataa hanan karin qalbigiisa.
waxaad jeclaan qofta aad jeceshay in aad ogaato nolosheeda oo dhan oo ku saabsan,waxaad jeclaan in aad mar walbo xageeda ka hesho jacayl wanaagsan iyo hadalo ku qanciya oo macmacaan,qalbiga huraaya daawo u noqda,hadii dhici weydo ama dhibaatooyin idin soo dhax galaan , Sida labadiina waalid oo jacaylkiina ka hor jeedsaday ama sidii aad rabteen in ay wax idiin ku dhacaan oo u dhici waayey. Run ahaantii dhibka oogu weyn ee niyad jabka leh waa kaas khaasatan marka gabadhu ay tahay gabadh akhlaaq, diin ilaahay ku manaystay. Maxaa yeelay gabarta akhlaaqda iyo diinta leh waxay mudantahay sharaf.
Arimahaas oo kale hadii kugu dhacaan markaasna awooda ay aad u yartahay waxaad iska adiga oo xataa ilinta indhaaga ka soo qubanaysa aada awood u lahayd in istaajiso ama wax ka qabato.run ahaan ilinta kaa socota wax kale ma aha waa naxariis aad u hayso jacaylakaaga,khaasatan marka aad jacaylkaaga la hadlayso ama hor joogto adiga oo ka xuman ka murugsan dhaawaca idin soo gaaray,waxaana cabsi saa,id ah kaa geli mustakhbalkaaga ku saabsan jacaylkaaga. Run ahaan jacaylku waa sun macaan mararka qaar.
Ayada oo xaalku saa u qasanyahay hadii gabartii hadana meel kale laga soo gala ama dad shaydaamin ahai idin soo dhaxgalaan naxdindeeda wax la soo koobi karo ma aha ama waalidkii gabarta ay qorsheeyaan in gabadha wiil kale lagu daro.
Taasna waa arin kale oo dhibkeesa xambaarsan ilaahay ha iga badbaadiyo Hirkaan. Gabarta aan jeclahayna waxaan ilaah ka baryi ayada oo khayr qabta oo khayrka ii leh in aan helo .ubad khayr lehna ilaah iga siiyo oo wanwanaagsan oo diinta alle kor yeele oo u adeega.
asc
M/nuur Axmed Yuusuf
waxaan ahay nin ku hami weyn in uu Wadankiisa ,DIINTIISA,Dadkiisa wax u qabto kana saaro dhibtan dabada dheeratay ee haysata maanta.Ilaayow anigu dadaal baan leeyay laakiin adaa wax walba awooda ,taladaydana kuu dhiibtay
Popular Posts
-
Nolasha inta aad nooshay wax walba waad soo mari ,tusaalae ahaan, nolasha waxaad kula kulmi, Farxad, farxad darro ama dhibaato,waxaad la kul...
-
Walaashay Nimco waa gabarta keliya een ka qabno. walaashay nimco waa gabarta noogu yar,waan wada jecelnahay walaashay,aniga ,walaalahay...
-
Runtii waxaan hadal ka tagnayan in qofka bini aadamka ah ay tahay meesha laga maamulo ama hagta galbiga.Xubintaas oo ah xubin aad u qiima ba...
-
Aduunyo waa maxay? , inteese jireysaa aduunyadaan? mase lagu dhargaa oo dhib looga baxaa aduunyadaan korkeeda ? Aduunyo waa koonkan aan k...
-
Bismilaah,Run ahaantii waa wax uu is weydiiyo qof walba oo muslim ah ama somali ama wax yar oo ah aqli ama garasho ay ku jirto.War maxaan a...
-
Ilaah ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay,Allaha isiiyay hadiyadaan imaanka (muslimnimada) wax u dhiganta ayna jirin aduunyadaan. qofka m...
-
wadno jacayl ku beermay run ahaantii waa wadno sharaxan, kuna dhax jira quruxda aduunka iyo carafteeda. sida hada wadnahayga oo kale waxa...
-
Gabarta kaliya ee niyadayda degtay waa adi ,noloshaydana inta ka dhiman waxaan rabaa oon jeclahay in aan adi kula wadaago,Ilaahayna waxaa...
-
Waa walaalaha Ree Axmed /jowhar Waa Umadka in shaa allah anfaci doono reerkooda,ehelkood,diintooda ,dalkooda ,dadkooda iyo dhammaan Mus...
-
Waan soo socdaa macaan ,waxyar i sug, anaaba kaa soo daahayne,waan soo ordayaa hal kaaga joog noloshaydaay.Hadii aad i daahsato, I dul qaad...

No comments:
Post a Comment