Popular Posts

Tuesday, February 22, 2011

Walaashay nimco shaxshaxley.

Walaashay  Nimco waa gabarta keliya een ka qabno.

walaashay nimco waa  gabarta noogu yar,waan wada jecelnahay
walaashay,aniga ,walaalahayhay ,Hooyo iyo Aabe dhammaantena waan jecelnahay walaashay.



mana ogolin hal mar xataa in ay dareento dhibaato,
Allahna waxaan ooga baryayaa in
ay noqoto gabar ehli diin ah.
oo reerkeena waligood ku farxaan ficilkeeda,
iyo wanaageeda sida aan hada u wada jecelnahay.



Waa   Nimco  Axmed Yuusuf.






M/noor.

Monday, February 21, 2011

U baxa soo koraya ee Umada soomaaliyeed

Waa  walaalaha Ree Axmed /jowhar

Waa Umadka in shaa allah anfaci doono
reerkooda,ehelkood,diintooda ,dalkooda ,dadkooda iyo dhammaan
Muslimka aduunka ku nool oo dhan.


Wax hor istigaagi kara ma jiro
Fardahan buubaya.



I am proud to be their brother.
.
waan ku faraxsanaay walaalahay dhammaan waana jeclahay.
Allah waxaan ka baryi in uu ka dhigo Rag diinta Alle u Adeega iyo Dadkooda.
soomaalina u  horseeda wanaag iyo hor mar.

ka soo bilow midigta waxa ay kala yihiin:-

1. Dolaal   Axmed     Yuusuf
2. Deeq    Axmed       Yuusuf

3 .Dubad    Axmed      Yuusuf
4. Badel      axmed       Yuusuf


Janada allaha idin geeyo.


Tuesday,  22/2/2011


M/noor.

Sunday, February 20, 2011

wadno jacayl ku beermay run ahaantii waa wadno sharaxan,
kuna dhax jira quruxda aduunka iyo carafteeda.

sida hada wadnahayga oo kale waxaan rajaynayaa carafta  udgoon in  si dhab ah, u saamayso noloshayda  kale oo dhan ,
kuna jiro oo ku noolaado inta aan noolahay caraftaas iyo fiyoorahaas bilicda badab dhexdiisa kaas oo ka  turjumaaya qalbigaya in shaa allah.

Aamiin , Aaamii



Maxamed

Farxada Jacaylka

Nolasha inta aad nooshay wax walba waad soo mari ,tusaalae ahaan, nolasha waxaad kula kulmi, Farxad, farxad darro ama dhibaato,waxaad la kulmi wanaag,waxaad la kulmi xumaan,waxaad la kulmi wax ku yaab galiya,waxaad la kulmi jacayl,Hadana isla markaas waxaa laga yaabaa in aad la kulanto murugada  uu leeyahay jacaylku  ama dhibka uu wato.Si walba ha ahaate hadana waan noolnahay waliba nolol iftiin leh aan ku noolnahay xaalada walbo oon ku suganhay hadii aan nahay muslim dhab ah. Oo ku  farxi  ooguna mahad  Allah wanaaga uu  na siiyay,dhibana ilahaah Tala saaran oo ku sabri.


Hadii aad qof jeclaato ama galcayl qoto dheer oo ku salaysan qalbigaaga hadii aad qof u qaado,waxaad  kaliya oo iska warheli adiga oo hirweyn  ku wadao ama dabada kaa riixayo ,isla markaana aada awoodin in aad waxyarna cagaha taagato ood isku daydo in aad iska caabiso.Hirkaan weyn eed ku dhexdhacday ama ku qaaday ma ogid meesha uu ku geyn . saa sey tahay  waxaad dareemi farxad,waxaad dareemi sharaf,waxaad dareemi karti, waxaad dareemi iftiin ku soo socda, waxaad tiigsan farxad fara badan,waxaad ku taami in aad tahay ninka aduunka oogu nasiibka badan in aad tahay,waxaa ku muuqan waxayna kula dareemi karin dadka intiisa kale.

Hirkan ku wada ama jacaylkan adi   ku wada waxa  uu  kuu dhiraandhirin qofta aad jeceshahay,waxaad  jeclaan in halmar qofkaas agteeda  aad tagto xataa adoo laga yaab in aada hubin waxii aad dhihi lahayd.
Ka dib waxaad jeclaan noloshaada ama wakhtigaaga oo dhan in aad siiso jacaylkaaga,adiga dhan waxaad noqon nin laga awood badan oon xataa hanan karin qalbigiisa.
waxaad jeclaan qofta aad jeceshay in aad ogaato nolosheeda oo dhan oo ku saabsan,waxaad jeclaan in aad mar walbo xageeda ka hesho jacayl wanaagsan iyo hadalo ku qanciya oo macmacaan,qalbiga huraaya daawo u noqda,hadii dhici weydo ama dhibaatooyin idin soo dhax galaan , Sida labadiina waalid oo  jacaylkiina ka hor jeedsaday ama sidii aad rabteen in ay wax idiin ku dhacaan oo u dhici waayey. Run ahaantii dhibka oogu weyn  ee niyad jabka leh waa kaas khaasatan marka gabadhu ay tahay gabadh akhlaaq, diin ilaahay ku manaystay. Maxaa yeelay gabarta akhlaaqda iyo diinta leh waxay mudantahay  sharaf.

Arimahaas oo kale hadii kugu dhacaan markaasna awooda ay aad u yartahay waxaad iska adiga oo xataa ilinta  indhaaga ka soo qubanaysa aada awood u lahayd in istaajiso ama wax ka qabato.run ahaan  ilinta kaa socota wax kale ma  aha waa naxariis aad u hayso jacaylakaaga,khaasatan marka aad jacaylkaaga la hadlayso ama hor joogto adiga oo ka xuman ka murugsan dhaawaca  idin soo gaaray,waxaana cabsi saa,id ah kaa geli mustakhbalkaaga  ku saabsan jacaylkaaga. Run ahaan  jacaylku waa sun  macaan mararka qaar.
Ayada oo xaalku saa u qasanyahay hadii gabartii hadana meel  kale laga soo gala ama dad shaydaamin ahai  idin soo dhaxgalaan naxdindeeda wax la soo koobi karo ma aha ama waalidkii gabarta ay qorsheeyaan in  gabadha wiil kale lagu daro.
Taasna waa arin kale oo dhibkeesa xambaarsan ilaahay  ha iga badbaadiyo  Hirkaan. Gabarta aan jeclahayna waxaan ilaah ka baryi ayada oo khayr qabta  oo khayrka ii leh  in aan helo .ubad khayr lehna ilaah iga siiyo oo wanwanaagsan oo diinta alle kor yeele oo u adeega.

asc


M/nuur  Axmed  Yuusuf

Saturday, February 12, 2011

Nolasha qofka muslimka ah.

Ilaah ayaa mahad  dhammaanteed u sugnaatay,Allaha isiiyay hadiyadaan imaanka (muslimnimada) wax u dhiganta ayna jirin aduunyadaan.

qofka muslimka ahi waa qani mar walba, qaninimadana ma aha hanti farabadan oo yeelato, ee qanimadu waa imaan suuban ood yeelato ,mana yeelan kartid adigu in  ilaah subxaanah uu ku siiyo mooyee,waxaad aamintaa oo niyada ku qabsataa  mar walbo in qofka imaanka leh uu yahay qofka aduunka oogu sharafta badan ooguna taajirsan ,qof la mid ahna  uuna jirrin qof imaankaas oo kale leh mooyee.

 laakiin maanta waxaad moodaa maanta wax saas u ogsoon inaysan jirin amaa ay aad u yaryihiin. nasiib darrada ayaa waxay tahay maanta in xataa muslimiintii ay wax ku xisaabiyaad aduunyadaan dhaw oo kaliya ama wax ku qiimeeyaan waxyaalaha ay wax ku qiimayn jireen dadkii hore ee noolaa wakhtigii jaahiliyada(diinta ka hor) ama gaalada aan ilaah iyo rasuulkiisa rumayn NNKH.

Qofka muslimka  ahi waa qof ay u muuqato  nolol wanaagsan iyo nuur,oo taamayo aakhiro  iyo waxyaalaha ilaahay  u balan qaaday aakhiro, saa daraadeed waxba u ma arkaandhib walbo oo ku soo gaara aduunyada korkeeda .hadii ay xoolo haystaan iyo hadi ay yihiin faqri labadaba way faraxsanyihiin,waxayna mar walba ku farxaan qadarjka alle. Way ka duwan yihiin gaalada oo qiimeeya kaliya hanti ama noloshan dhow.oo farxaxsan marka ay wax haystaan murgana  marka ay dhibaato yar dareemaan.