Qofbawax baa ku taagan Allahayow,waxa igu taagan een ku taamayo een tiigsanaayo iiga dhig wax khayr iigu jiro,diintaadana allahayow igu dhawr inta aan noolahay,aniga ehelkayga iyo dhamaan inta suu suuban naga dhawr oo naga ilaali shar wada yaasha.
AAmmIIIIIIIIIIIIIIN YAA ALLAH
MA HOOGE MA NA SHALAAYO QOFKA KU TALO SAARTA ALLAHAYOW,ADUUN IYO AAQIRABA WUU LIIBAANAA, WUUNA GAARA HADAFKIISA,ALLAHYOW TALADAYDA OO DHAN ADAAN KUU DHIBTAY,SHAYDAANNA KAA MAGAN GALAY,yAA ALLAH
YAA ALLAH,II NAXARIISO ADUUN IYO AAQIRABA ! ! !
AAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN yA ALLAH,YAA RAXMAAN,YAA WA HAAB,YAA LADIIF,YAA QADIIR,YAA KARIIM,YAA CAZIIZ.....
Waracphd
waxaan ahay nin ku hami weyn in uu Wadankiisa ,DIINTIISA,Dadkiisa wax u qabto kana saaro dhibtan dabada dheeratay ee haysata maanta.Ilaayow anigu dadaal baan leeyay laakiin adaa wax walba awooda ,taladaydana kuu dhiibtay
Popular Posts
-
Nolasha inta aad nooshay wax walba waad soo mari ,tusaalae ahaan, nolasha waxaad kula kulmi, Farxad, farxad darro ama dhibaato,waxaad la kul...
-
Walaashay Nimco waa gabarta keliya een ka qabno. walaashay nimco waa gabarta noogu yar,waan wada jecelnahay walaashay,aniga ,walaalahay...
-
Runtii waxaan hadal ka tagnayan in qofka bini aadamka ah ay tahay meesha laga maamulo ama hagta galbiga.Xubintaas oo ah xubin aad u qiima ba...
-
Aduunyo waa maxay? , inteese jireysaa aduunyadaan? mase lagu dhargaa oo dhib looga baxaa aduunyadaan korkeeda ? Aduunyo waa koonkan aan k...
-
Bismilaah,Run ahaantii waa wax uu is weydiiyo qof walba oo muslim ah ama somali ama wax yar oo ah aqli ama garasho ay ku jirto.War maxaan a...
-
Ilaah ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay,Allaha isiiyay hadiyadaan imaanka (muslimnimada) wax u dhiganta ayna jirin aduunyadaan. qofka m...
-
wadno jacayl ku beermay run ahaantii waa wadno sharaxan, kuna dhax jira quruxda aduunka iyo carafteeda. sida hada wadnahayga oo kale waxa...
-
Gabarta kaliya ee niyadayda degtay waa adi ,noloshaydana inta ka dhiman waxaan rabaa oon jeclahay in aan adi kula wadaago,Ilaahayna waxaa...
-
Waa walaalaha Ree Axmed /jowhar Waa Umadka in shaa allah anfaci doono reerkooda,ehelkood,diintooda ,dalkooda ,dadkooda iyo dhammaan Mus...
-
Waan soo socdaa macaan ,waxyar i sug, anaaba kaa soo daahayne,waan soo ordayaa hal kaaga joog noloshaydaay.Hadii aad i daahsato, I dul qaad...
Monday, January 16, 2012
Tuesday, February 22, 2011
Walaashay nimco shaxshaxley.
Walaashay Nimco waa gabarta keliya een ka qabno.
walaashay nimco waa gabarta noogu yar,waan wada jecelnahay
walaashay,aniga ,walaalahayhay ,Hooyo iyo Aabe dhammaantena waan jecelnahay walaashay.
oo reerkeena waligood ku farxaan ficilkeeda,
M/noor.
walaashay nimco waa gabarta noogu yar,waan wada jecelnahay
walaashay,aniga ,walaalahayhay ,Hooyo iyo Aabe dhammaantena waan jecelnahay walaashay.
mana ogolin hal mar xataa in ay dareento dhibaato,
Allahna waxaan ooga baryayaa in
ay noqoto gabar ehli diin ah. oo reerkeena waligood ku farxaan ficilkeeda,
iyo wanaageeda sida aan hada u wada jecelnahay.
Waa Nimco Axmed Yuusuf.
Monday, February 21, 2011
U baxa soo koraya ee Umada soomaaliyeed
Waa walaalaha Ree Axmed /jowhar
Waa Umadka in shaa allah anfaci doono
reerkooda,ehelkood,diintooda ,dalkooda ,dadkooda iyo dhammaan
Muslimka aduunka ku nool oo dhan.
Wax hor istigaagi kara ma jiro
Fardahan buubaya.
I am proud to be their brother.
.
waan ku faraxsanaay walaalahay dhammaan waana jeclahay.
Allah waxaan ka baryi in uu ka dhigo Rag diinta Alle u Adeega iyo Dadkooda.
Janada allaha idin geeyo.
Tuesday, 22/2/2011

soomaalina u horseeda wanaag iyo hor mar.
ka soo bilow midigta waxa ay kala yihiin:-
1. Dolaal Axmed Yuusuf
2. Deeq Axmed Yuusuf
3 .Dubad Axmed Yuusuf
4. Badel axmed YuusufJanada allaha idin geeyo.
Tuesday, 22/2/2011
M/noor.
Sunday, February 20, 2011
wadno jacayl ku beermay run ahaantii waa wadno sharaxan,
kuna dhax jira quruxda aduunka iyo carafteeda.
sida hada wadnahayga oo kale waxaan rajaynayaa carafta udgoon in si dhab ah, u saamayso noloshayda kale oo dhan ,
kuna jiro oo ku noolaado inta aan noolahay caraftaas iyo fiyoorahaas bilicda badab dhexdiisa kaas oo ka turjumaaya qalbigaya in shaa allah.
Aamiin , Aaamii
Maxamed

Farxada Jacaylka
Nolasha inta aad nooshay wax walba waad soo mari ,tusaalae ahaan, nolasha waxaad kula kulmi, Farxad, farxad darro ama dhibaato,waxaad la kulmi wanaag,waxaad la kulmi xumaan,waxaad la kulmi wax ku yaab galiya,waxaad la kulmi jacayl,Hadana isla markaas waxaa laga yaabaa in aad la kulanto murugada uu leeyahay jacaylku ama dhibka uu wato.Si walba ha ahaate hadana waan noolnahay waliba nolol iftiin leh aan ku noolnahay xaalada walbo oon ku suganhay hadii aan nahay muslim dhab ah. Oo ku farxi ooguna mahad Allah wanaaga uu na siiyay,dhibana ilahaah Tala saaran oo ku sabri.
Hadii aad qof jeclaato ama galcayl qoto dheer oo ku salaysan qalbigaaga hadii aad qof u qaado,waxaad kaliya oo iska warheli adiga oo hirweyn ku wadao ama dabada kaa riixayo ,isla markaana aada awoodin in aad waxyarna cagaha taagato ood isku daydo in aad iska caabiso.Hirkaan weyn eed ku dhexdhacday ama ku qaaday ma ogid meesha uu ku geyn . saa sey tahay waxaad dareemi farxad,waxaad dareemi sharaf,waxaad dareemi karti, waxaad dareemi iftiin ku soo socda, waxaad tiigsan farxad fara badan,waxaad ku taami in aad tahay ninka aduunka oogu nasiibka badan in aad tahay,waxaa ku muuqan waxayna kula dareemi karin dadka intiisa kale.
Hirkan ku wada ama jacaylkan adi ku wada waxa uu kuu dhiraandhirin qofta aad jeceshahay,waxaad jeclaan in halmar qofkaas agteeda aad tagto xataa adoo laga yaab in aada hubin waxii aad dhihi lahayd.
Ka dib waxaad jeclaan noloshaada ama wakhtigaaga oo dhan in aad siiso jacaylkaaga,adiga dhan waxaad noqon nin laga awood badan oon xataa hanan karin qalbigiisa.
waxaad jeclaan qofta aad jeceshay in aad ogaato nolosheeda oo dhan oo ku saabsan,waxaad jeclaan in aad mar walbo xageeda ka hesho jacayl wanaagsan iyo hadalo ku qanciya oo macmacaan,qalbiga huraaya daawo u noqda,hadii dhici weydo ama dhibaatooyin idin soo dhax galaan , Sida labadiina waalid oo jacaylkiina ka hor jeedsaday ama sidii aad rabteen in ay wax idiin ku dhacaan oo u dhici waayey. Run ahaantii dhibka oogu weyn ee niyad jabka leh waa kaas khaasatan marka gabadhu ay tahay gabadh akhlaaq, diin ilaahay ku manaystay. Maxaa yeelay gabarta akhlaaqda iyo diinta leh waxay mudantahay sharaf.
Arimahaas oo kale hadii kugu dhacaan markaasna awooda ay aad u yartahay waxaad iska adiga oo xataa ilinta indhaaga ka soo qubanaysa aada awood u lahayd in istaajiso ama wax ka qabato.run ahaan ilinta kaa socota wax kale ma aha waa naxariis aad u hayso jacaylakaaga,khaasatan marka aad jacaylkaaga la hadlayso ama hor joogto adiga oo ka xuman ka murugsan dhaawaca idin soo gaaray,waxaana cabsi saa,id ah kaa geli mustakhbalkaaga ku saabsan jacaylkaaga. Run ahaan jacaylku waa sun macaan mararka qaar.
Ayada oo xaalku saa u qasanyahay hadii gabartii hadana meel kale laga soo gala ama dad shaydaamin ahai idin soo dhaxgalaan naxdindeeda wax la soo koobi karo ma aha ama waalidkii gabarta ay qorsheeyaan in gabadha wiil kale lagu daro.
Taasna waa arin kale oo dhibkeesa xambaarsan ilaahay ha iga badbaadiyo Hirkaan. Gabarta aan jeclahayna waxaan ilaah ka baryi ayada oo khayr qabta oo khayrka ii leh in aan helo .ubad khayr lehna ilaah iga siiyo oo wanwanaagsan oo diinta alle kor yeele oo u adeega.
asc
M/nuur Axmed Yuusuf

Saturday, February 12, 2011
Nolasha qofka muslimka ah.
Ilaah ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay,Allaha isiiyay hadiyadaan imaanka (muslimnimada) wax u dhiganta ayna jirin aduunyadaan.
qofka muslimka ahi waa qani mar walba, qaninimadana ma aha hanti farabadan oo yeelato, ee qanimadu waa imaan suuban ood yeelato ,mana yeelan kartid adigu in ilaah subxaanah uu ku siiyo mooyee,waxaad aamintaa oo niyada ku qabsataa mar walbo in qofka imaanka leh uu yahay qofka aduunka oogu sharafta badan ooguna taajirsan ,qof la mid ahna uuna jirrin qof imaankaas oo kale leh mooyee.
laakiin maanta waxaad moodaa maanta wax saas u ogsoon inaysan jirin amaa ay aad u yaryihiin. nasiib darrada ayaa waxay tahay maanta in xataa muslimiintii ay wax ku xisaabiyaad aduunyadaan dhaw oo kaliya ama wax ku qiimeeyaan waxyaalaha ay wax ku qiimayn jireen dadkii hore ee noolaa wakhtigii jaahiliyada(diinta ka hor) ama gaalada aan ilaah iyo rasuulkiisa rumayn NNKH.
Qofka muslimka ahi waa qof ay u muuqato nolol wanaagsan iyo nuur,oo taamayo aakhiro iyo waxyaalaha ilaahay u balan qaaday aakhiro, saa daraadeed waxba u ma arkaandhib walbo oo ku soo gaara aduunyada korkeeda .hadii ay xoolo haystaan iyo hadi ay yihiin faqri labadaba way faraxsanyihiin,waxayna mar walba ku farxaan qadarjka alle. Way ka duwan yihiin gaalada oo qiimeeya kaliya hanti ama noloshan dhow.oo farxaxsan marka ay wax haystaan murgana marka ay dhibaato yar dareemaan.

Monday, January 31, 2011
Waa maxay Nasiib darada iyo dhibka na haysa hadii aan nahay muslimiin Khaas ahaan somali
Bismilaah,Run ahaantii waa wax uu is weydiiyo qof walba oo muslim ah ama somali ama wax yar oo ah aqli ama garasho ay ku jirto.War maxaan aduunyada ooga danbeenaa? war maxaan isku dagaalaynaa anagoo muslimiin ah wada ah? war maxaa noo dhaxeeya? war miyeynaan waalaalo ahayn hadii aan nahay somali?
Waa nasiib darro weyn iyo ciqaab alle oon anaga gacmaheena ku keensanay saan noo burburiso,wayna ka si darii hadii alle soo subaxaanah loo noqon khaladkana la sixin,ee kor ha loo tooso xaqa ha la fahmo ,aduunka ha la fiiriyo ilaahay iyo rasuulka hadalkooda ha la xasuusto,taas unbaa lagu liiibaani.war walaalayaal hadii ay khaldameen madax isku sheegtii somaliyeed ee hore umada aan wax garanaynin ama caamada khalad ka dhaadhiciyeey ee sabab u noqday somali in uu qabiil walba yiraahdo qabiil hebel iska ilaali cadowna ka dhigo.
maxaa diiday hadii qaar khaldameen umadiina marin habaabiyeen in la helo qaar daacad oo umada dib u saxda kana tirta wasakhtii horay loogu haleeyey ,una horseeda jid wanaagsan iyo hor u mar,war meesha ay qodaxii ka mudo mar mar marka labaad waa laga leexdaa ee anaga ma indhaha ayaan la'nahay maxaan uga leexan la'nahay jidka xun ee ku salaysan qabaail iyo dhinac isu aruurinta ah eed iska aruurin walaalahaa kula mid ka ah, Aduunku waxaa uu ku tartama sidii uu heli lahaa umad fara badan oo wax ku ool ah oo is caawisa wax walba iska caawisa,waxna is tarta adiga oo muslim ah soomaaliyeey oo walaalo ah dhamaan maxaa kuu diiday in aad isku imaado waxna u wada qabsataan, dadkana qof walba la siiyo xaqiisa si cadaalad ah oo ilaah raali ka yahayna loo xukumo. Miyeyna nasiib darro iyo wax la qiiroodo ahayn in adigoo muslima ah .sheeganaya in aan rumaysay Ilaahay iyo rasuulkiisa NNKH in lagu yiraahdo daciif lagaana soo qaado wax liita oon xaataa garanaynin sida dadka loogu cadaalad sameeyo ama loo xukumo adigoo wax walba oo aduunyadaan jira ama dhacaaya ama dhacay ama dhici doono kitaabka kariimka ah iyo sunnada Nabiga NNKH kuugu cadahay ,aysana jirin cid kaloo haysata xogtaas ama nimcadaas muslim mooyee;
walaayaal muslimow soomaalaay kor u kaca Ilaahay aan u noqo daciifnimada iyo DULLI nimada aan ku jirrana aan iska saarno, si kalana iskagama saari karno in Ilaahay aan u noqo mooyee.

Subscribe to:
Posts (Atom)