Ilaah ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay,Allaha isiiyay hadiyadaan imaanka (muslimnimada) wax u dhiganta ayna jirin aduunyadaan.
qofka muslimka ahi waa qani mar walba, qaninimadana ma aha hanti farabadan oo yeelato, ee qanimadu waa imaan suuban ood yeelato ,mana yeelan kartid adigu in ilaah subxaanah uu ku siiyo mooyee,waxaad aamintaa oo niyada ku qabsataa mar walbo in qofka imaanka leh uu yahay qofka aduunka oogu sharafta badan ooguna taajirsan ,qof la mid ahna uuna jirrin qof imaankaas oo kale leh mooyee.
laakiin maanta waxaad moodaa maanta wax saas u ogsoon inaysan jirin amaa ay aad u yaryihiin. nasiib darrada ayaa waxay tahay maanta in xataa muslimiintii ay wax ku xisaabiyaad aduunyadaan dhaw oo kaliya ama wax ku qiimeeyaan waxyaalaha ay wax ku qiimayn jireen dadkii hore ee noolaa wakhtigii jaahiliyada(diinta ka hor) ama gaalada aan ilaah iyo rasuulkiisa rumayn NNKH.
Qofka muslimka ahi waa qof ay u muuqato nolol wanaagsan iyo nuur,oo taamayo aakhiro iyo waxyaalaha ilaahay u balan qaaday aakhiro, saa daraadeed waxba u ma arkaandhib walbo oo ku soo gaara aduunyada korkeeda .hadii ay xoolo haystaan iyo hadi ay yihiin faqri labadaba way faraxsanyihiin,waxayna mar walba ku farxaan qadarjka alle. Way ka duwan yihiin gaalada oo qiimeeya kaliya hanti ama noloshan dhow.oo farxaxsan marka ay wax haystaan murgana marka ay dhibaato yar dareemaan.
waxaan ahay nin ku hami weyn in uu Wadankiisa ,DIINTIISA,Dadkiisa wax u qabto kana saaro dhibtan dabada dheeratay ee haysata maanta.Ilaayow anigu dadaal baan leeyay laakiin adaa wax walba awooda ,taladaydana kuu dhiibtay
Popular Posts
-
Nolasha inta aad nooshay wax walba waad soo mari ,tusaalae ahaan, nolasha waxaad kula kulmi, Farxad, farxad darro ama dhibaato,waxaad la kul...
-
Walaashay Nimco waa gabarta keliya een ka qabno. walaashay nimco waa gabarta noogu yar,waan wada jecelnahay walaashay,aniga ,walaalahay...
-
Runtii waxaan hadal ka tagnayan in qofka bini aadamka ah ay tahay meesha laga maamulo ama hagta galbiga.Xubintaas oo ah xubin aad u qiima ba...
-
Aduunyo waa maxay? , inteese jireysaa aduunyadaan? mase lagu dhargaa oo dhib looga baxaa aduunyadaan korkeeda ? Aduunyo waa koonkan aan k...
-
Bismilaah,Run ahaantii waa wax uu is weydiiyo qof walba oo muslim ah ama somali ama wax yar oo ah aqli ama garasho ay ku jirto.War maxaan a...
-
Ilaah ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay,Allaha isiiyay hadiyadaan imaanka (muslimnimada) wax u dhiganta ayna jirin aduunyadaan. qofka m...
-
wadno jacayl ku beermay run ahaantii waa wadno sharaxan, kuna dhax jira quruxda aduunka iyo carafteeda. sida hada wadnahayga oo kale waxa...
-
Gabarta kaliya ee niyadayda degtay waa adi ,noloshaydana inta ka dhiman waxaan rabaa oon jeclahay in aan adi kula wadaago,Ilaahayna waxaa...
-
Waa walaalaha Ree Axmed /jowhar Waa Umadka in shaa allah anfaci doono reerkooda,ehelkood,diintooda ,dalkooda ,dadkooda iyo dhammaan Mus...
-
Waan soo socdaa macaan ,waxyar i sug, anaaba kaa soo daahayne,waan soo ordayaa hal kaaga joog noloshaydaay.Hadii aad i daahsato, I dul qaad...
No comments:
Post a Comment