Popular Posts

Thursday, November 11, 2010

Wareerka Aduunyadu ay leedahay !

Aduunyo waa  maxay? , inteese jireysaa aduunyadaan? mase lagu dhargaa oo dhib looga baxaa aduunyadaan korkeeda ?

Aduunyo waa koonkan aan ku noolnahay  ee ka kooban cirar, dhulal iyo inta abuurka  ah ee ku dhax nool ee Eebe ku dhax abuuray,Eebaana abuuray aduunyada iyo inta ku dhaxnoolba , ogna xaalad walba ay ku suganyihiin.

Aduunyadan  bili aadamka way la weyntahay, lana cimri dheertahay,waxaana ka danbeeya in aduunyadaan bili aadamka la dheerato oo niyadooda ku weynaato shaydaan iyo naf oo ah cadowga ugu daran uu leeyahay qof walba oo bili aadam ah,xaataa jiniga. wax kale is ka daaye cimriga ugu badan ee uu qofku jiri karo waa 80-90 sano, hadana qofku waxa uu maleeyaa in  uu noolaado wakhtigaas  in ay tahay wakhti dheer ,saa darteed ayaa  waxuu iloowaayaa  waajibkii alle saaray iyo sababtii alle u keenay aduunyadaan korkeeda,waxaana ka dambeeya  in la dheeraado qofk wakhtiga uu noolaan karo shaydaan ,kaas oo kula jiidaaya mudadaas,  kana dhaadhicinaaya  in intaas uu noolaado iay tahay wakhti dheer.saa dareed ku xad gudbo oo uu sameeyo wax yaaloilaahay ka xarimay oo  uu ku mutaysan karo ciqaabta alle, ciqaabta Allena la soco  way darantahay, la mid  ma aha lana xanuun ma aha tan bili aadamka een naqaano ,ciqaabta alle way darantahay, mana  aha wax loo dul qaadan karo, ee ilaahay aan caabudno oon ka cabsano walaalayaal inta aysan na qabsan ciqaabtiisu.

Aduunyadaan horta xaalad walba ood ku sugantahay waad ku imtixaamantahay,Allaha ku abuuray ayaan ku imtixaanaya hadii imtixaan ku baasi weydana , waan wada naqaaanaa im tixaanka aduunyada dhibta iyo muragada uu leeyahay marka aan ku dhacnmo aa ku guul adaraysano,hada waa imtixaanka uu bili aadmi daciif ah  naga qaado ayaa sameyn xun nagu yeesha  oon wax badan ka murugnaa ama ka shalleynaa, bal ka waran imtixaan ka Allaha awoode leh naga qado hadii aan ku baasi weyno, Inaa Lillaah waa Innaa Illeyhi raajicuun,Allah waxaan ka baryayaa in naftayda iyo tan waali diintey iyo dhammaan muslimiinta walaalahyga  ah  noo sahlo imtixaanka  aduunyada naguna daro adoomihiisa wanwanaagsan ee Alle u balan qaaday jannadiisa nimcada badan leh.Aamiin ,aamiin yaa Allah.

Marka  qofka muslimka ah ee iimaanka wanaagsan leh, ilaahay wuu yaqaana , aduunyadana  wax kama dhigto, goolkiisa  ugu wey waa akkhiro iyo  sidii uu ku heli lahaa janada Alle (Subxaanah)
hadii uu qofku muslimka ahi aduunyadaa ilaahay wax ku siiyo ,ilaahay ayuu ooga mahad celiyaa waayo waxuu ogsoonyanyaahy oo uu aaminsanyahay in wax  walba oo aduunyadaan korkeeda uu  kula kulmo in Allah subxaanah qadaray, hadii ay tahay wax fiican iyo hadii ay tahay waxs xunba .markaas  buu waxa marka uu helo ilaahay uga mahad celiya , waxa xunna ama dhibkana ku samraa ilaahayna ka baryaa in uu samirka u siyaadiyo maxaa yeelay ilaahay  abaal mari weyn ayuu kaga mudan adoon wanaagsan marka uu waxa ilaahay u qadar uu ku samro.Rasuulkuna ,Naxariis iy Nabad galyada Alle korkiisa  ha ahaatee ,wuxuu yiri:-
Arinnka qofka mu'minka wuu ku cajab galin ,hadii uu wax wanaagsan helo(kheyr) ilaahay ayuu  mahad celiyaa(shukri) ,hadii ku dhacaana wax xun (shar) wuu ku samraa.( ow kamaa qaala rasuulu laahi,SCWS).